Waa Maxay Sababta Aan Xitaa Mesut Ozil Loogu Magacaabin Kaydka Arsenal Kulanka West Ham

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa wali iska dhex la, shaxda kooxdiisa Arsenal ee Kulamada.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa sheegay in go,aanka uu Mesut Ozil uga reebay shaxdiisa kulanka ay la ciyaari doonaan West Ham in ay tahay sabab ciyaareed.

Xiddiga reer Germany ayaan kooxdiisa u ciyaarin tan ilaa Boxing Day-gii waxana kulankaas badal ku sameeyay qaybtii nashasada ee kulankii Brighton ee 1/1 ku dhamaaday.

Emery ayaa Ozil ka dalbaday in uu qabto shaqo ka badan mida uu qabto inta uu garoonka ku jiro si uu u caawiyo kooxdiisa.

Ozil ayaa todobaadkan ku soo laabtay tababarka waxana la filayay in uu ka qayb qaato kulanka West Ham laakiin Emery ayaa sheegay in uu kulanka u doortay xiddigo ka fiican Ozil.

“Xiddigaha Aan Kulanka U Doortay kulanka ayaa ka fiican Ozil’ayuu Emery Yidhi kadib markii la waydiiyay sababta uuna kooxdiisa xitaa kaydka ugu soo darin xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here