Waa Maxay Faa,iidada Weyn Ee Liverpool Ka Caawin Karta In AY Man City Ku Garaacdo Horyaalka Premier League?

Kooxda Liverpool ayaa gashay qaybta dambe ee xilli ciyaareedka iyada oo ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka si ay u soo afjarto 29-kii sano ee ay sugayeen premier League.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa isku dayaysa in ay noqoto kooxdii ugu horaysay ee Anfield keenta Premier league tan ilaa 1990-kii.

Waxa ay haatan 4 dhibcood ka dambeyaan kooxda Difaacanaysa horyaalka ee Man City inkasta oo ay City noqotay kooxdii ugu horaysay ee guuldaro bada hogaamiyayaasha horyaalka xilli ciyaareedkan premier League.

Liverpool ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad 5 maalmood kadib iyaga oo Isniintii laga reebay tartanka FA Cup-ka kadib guuldaro ay kala kulmeen Wolves.

Taas ayaa la macno ah in ay kooxda Jurgen Klopp wax kulan ah ciyaari doonin 26 January marka ay kooxaha kale ciyaari doonaan FA Cup-ka.

Xaqiiqada ayaa ah in ay Reds ciyaari doonto 5 kulan 6-da todobaad ee soo socota xilli ay isha ku hayaan in ay ku soo laabtan wadada guulaha.

Dhanka kale kooxda Man City ayaa ciyaari doonta 9 kulan 6-da todobaad ee soo socda kuwaas oo kala ah tartamada FA Cup-ka Carabao cup-ka iyo Premier League.

Halkan Kaga Bogo 6-da Kulan Ee Liverpool Ciyaari Doonto todobaadyada soo socda:

Brighton (a) – January 12

Crystal Palace (h) – January 19

Leicester (h) – January 30

West Ham (a) – February 4

Bournemouth (h) – February 9

Bayern Munich (CL, h) – February 19

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here