Waa Kuma Saxiixii Xili Ciyaareedkan Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier league? Sky Sports Oo Soo Xulay Liiska Laga Dhex Dooranayo.

Xili ciyaareed kasta waqtiyagan oo kale waxaa qiimayn lagu sameeyaa wax qabadkii ciyaartoyda iyo kooxaha Premier League waxaana soo dhawaanaya waqtiga la shaacin doono shaxda kooxda ugu fiican isla markaana loo codayn doono xidigihii ugu fiicnaa ee abaal marinaha sanadkan maadaama oo uu dhamaad yahay xili ciyaareedka Premier league.

Haddaba Sky Sports ayaa soo xulay siddeeda ciyaartoy ee laga dhex xulan karo saxiixyadii ugu fiicnaa ee ay kooxaha Premier leaugue sameeyeen xili suuqyadii la soo dhaafay ee saamaynta ugu fiican xili ciyaareedkan ku yeeshay horyaalka Premier league.

Waxaa liiskan ku soo baxay goolhaye Alisson Becker oo bandhig cajiib ah ka soo sameeyay xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Premier league wuxuuna ugu dhaw yahay in loo doorto saxiixii Premier league ugu fiicnaa ee ay xili ciyaareedkan kooxi samaysay.

Matteo Guendouzi oo ay Arseanl ku faa’iiday saxiixii ay kooxdeeda ku keentay ayaa isna qayb ka ah liiska xidigaha loo soo xushay saxiixii ugu fiicnaa ee kooxaha Premier league.

Felipe Anderson oo ay West Ham United la soo saxiixatay isla markaana ka mid ah ciyaartoyda saamaynta ugu wayn ku yeeshay Premier league ayaa liiskan ku jira si la mid ah Raul Jimenez oo wacdaro ka soo sameeyay kooxda Wolves.

David Brooks oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Bournemouth, James Maddison oo Leicester City isku soo muujiyay iyo Ben Foster oo shaqo wayn u soo qabtay Watford ayaa dhamaantood liiskan ku soo baxay.

Liiska Siddeeda Saxiix Ee ugu Fiicnaa Premier league Ee Uu Sky Sports Soo Saaray Kuwaas Oo Jamaahiirta kubbada cagta loo soo bandhigay in ay ukala codeeyeen.

Salomon Rondon (Newcastle)

James Maddison (Leicester)

Alisson (Liverpool)

Raul Jimenez (Wolves)

Felipe Anderson (West Ham )

Matteo Guendouzi (Arsenal )

David Brooks (Bournemouth)

Ben Foster (Watford)

Haddaba akhriste, adiga ahaan siddeeda ciyaartoy midkee ah saxiixii ugu fiicnaa ee ay kooxaha Premier league sameeyeen xili ciyaareedkan? Haddii aad u aragto in ay jiraan saxiixo ka fiican kuwan oo aan halkan ku soo bixin halkan hoose nagula wadaag.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here