Waa Kuma Kevin-Prince Boateng? Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Saxiixa Cusub Ee Barcelona

0

Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn xalay ku dhawaaqday saxiixa weeraryahan Kevin-Prince Boateng kaas oo ay qaab amaah ah ugala soo wareegtay Sassuolo.

Xiddigan 31 jirka ah ayaa Barcelona la joogi doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin hadii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

31 jirkan horay uga soo ciyaaray horyaalka La Liga isaga oo joogay kooxda Las Palmas ayaa kooxdiisa cusub u xidhan doona maaliyada No.19.

Hadaba waa Kuma Kevin-Prince Boateng?

Kevin-Prince Boateng ayaaa dhashay 6 March 1987 waxana uu ku dhashay Galbeedka Caasimada Germany ee Berlin laakiin waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa qaarada Africa gaar ahaan xulka qaranka Ghana.

Boateng ayay kala dhaleen hooyo Germany ah iyo Aabe Ghana ah waana xiddiga ka weyn daafaca kooxda Bayern Munich ee Jérôme Boateng.

Boateng ayaa xirfadiisa ciyaaraha kubada cagta ka bilaabay kooxda Reinickendorfer Füchse bilowgii 1994 isaga oo jira 6 sano jir ka hor inta uuna ku biirin kooxda Hertha BSC 1 bishii July 1994 isaga oo jira 7 jir isaga oo u ciyaarayay ilaa 31 bishii July 2007 isaga oo 20 sano jir ah.

Kadib markii uu qaab fiican ku soo bandhigay Hertha BSC una ciyaaray 2 xili ciyaareed waxa loo dalacay kooxda 1-aad ee Hertha sanadkii 2005/2006.

Wixii intaas ka dambeeyay Boateng ayaa u soo ciyaaray kooxo badan oo kala ah Tottenham Hotspur, Borussia Dortmund, Portsmouth, Genoa, Milan, Schalke 04, Las Palmas, Eintracht Frankfurt & Sassuolo intii u dhexaysay sanadaha 2007 ilaa 2018.

Xifadiisa Heerka Caalami:

Boateng ayaa haysta baasaboor Germany ah waxana uu horay ugu ciyaaray da,yarka xulka qaranka Germany isaga oo gool meel fog ah ka dhaliyay tartanka UEFA U19 maarkaas oo uu xulka Germany 3/0 uga badiyay xulka Greeece.

2007 Boateng ayaa looga yeedhay xulka qaranka Germany ee U21 kadib tababarihii xulka Germany ayaa ka reebay xiddiga kadib markii uu Akhlaaq xumo ku kacay.

bishii Kune 2009 ayuu Boateng madaxda xiriirka Germany u sheegay in uuna wax xiiso ah u qabin in uu matalo xulka qaranka Germnay.

Sanadkii 2010 Boateng ayaa helay baasaboor wadanka Ghana ah waxana uu doortay in uu u ciyaaro xulka qaranka dalkaas isagaoo xiradiisa ciyaareed billabay bilo ka hor koobkii adduunka ee sanadkii 2010.

Waxana uu kulankiisii ugu horeeyay saftay kulan uu xulka Ghana guul 1/0 ah ka gaadhay xulka Latvia bishii June 2010.

Qaab Ciyaareedkiisa:

Boateng ayaa ah xiddig khadka dhexe ka bilowday kubada cagta laakiin ka ciyaari kara weerarka tooska ah isaga oo waliba ah xiddig awood weyn oo meelo fog ka toogta shabaqa kooxaha kale waxana uu leeyahay xirfad Gambiska ah.

Sidoo kale xiddiga ayaa ah xiddig uu aad u sareeyo heer ciyaareedkiisu isaga oo ciyaarta min bilow ilaa dhamaad ordi kara weerarka ilaa daafaca kooxdiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here