Waa Kuma Christian pulisic? Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Saxiixa Cusub Ee Kooxda Chelsea.

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay kooxda Borussia Dortmund kala heshiisay saxiixa xiddiga Christian Pulisic kaas oo kooxda chelsea ku soo biiri doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa saxiixa xiddigan ku garaacday kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid tahay kooxda Liverpool oo si aad ah u doonaysay adeega xiddiga reer Maraykan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa cida uu yahay xiddigu iyo macluumaad aad uga baahan tahay in aad ka ogaato.

Waa Kuma Christian Pulisic?

Christian Pulisic waxa uu dhashay September 18, 1998 waxana uu ku dhashay Hershey, Pennsylvania, isaga oo halkaas ku qaatay inta badan yaraantiisii, waalidkiisa ayaa ah Mark and Kelley Pulisic kuwaas oo labadooduba u soo ciyaaray kooxd ka dhisan collegiate ee George Mason University sidoo kale aabihiis ayaa u soo ciyaaray kooxda Harrisburg Heat sanadkii 1990 isaga oo intaas kadib tababare u noqday koox da,yar ah.

Pulisic ayaa ku noolaa dalka England muddo sanad ah markii uu jiray da,da 7 jirka isaga oo u ciyaaray kooxda da,yarka ee Brackley Town.

Xirfadiisa Ciyaareed:

Christian Pulisic waa ciyaarayahan u ciyaara xulka qaranka America waxana loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha u soo kacaya dalkaas.

Pulisic ayaa noqday xiddigii ugu da,da yaraa ee Matala xulka US ee kulamadii is reeb-reebka koobkii adduunka Russia 2018.

Xiddiga ayaa ka soo baxay Akademiyada kooxda Borussia Dortmund isaga oo halkaas u ciyaaray 15 kulan ka hor inta aan kooxda 1-aad loo dalicin xilli ciyaareedkii 2015/2016.

Bishii April 2016 waxa uu noqday xiddigii ugu da,da yaraa ee aan u dhalan Germany ee gool ka dhaliya horyaalka Bundesliga, wakhti dambe oo bishaas ah waxa uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee da,yr ah ee 2 gool ka dhaliya horyaalka Bundesliga.

Bishii May 28 2016 bilo yar ka hor intii uuna noqon 18 jir waxa uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee xulka qarankiisa kulan saaxiibtinimo ah oo uu xulkiisu la ciyaarayay xulka Bolivia isaga oo noqday xiddigii ugu da,da yaraa ee gool u dhaliya xulka qarankiisa.

2 bishii September 2016 waxa uu noqday da,yarkii ugu yaraa ee Xulka qarankiisa u dhaliya kulan is reeb-reebka koobkii Adduunka ah isaga oo jiray 17 sano iyo 349 maalmood.

Qaab Ciyaareedkiisa:

Pulisic ayaa ah No.10 casri ah waxana uu leeyahay xirfad cajiib ah iyo waliba orod badan waxa uu inta badan haatan kooxdiisa Dortmund uga ciyaaraa garabka ku ciyaarista lugtiisa ayaa ka caawisa in uu ka ciyaaro labada garab ee Weerarka.

Marka loo eego qaab ciyaareedkiisa xiddiga ayaa bahdili kara xiddigaha ka soo hor jeeda isaga oo farsamo ku dhaafi kara.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here