Waa Kuma Brahim Abdelkader Díaz? Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Saxiixa Cusub Ee Kooxda Real Madrid Ee Brahim Díaz

Kooxda Real Madrid ayaa xalay si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Brahim Diaz kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Real Madrid.

Hadaba waa Kuma Saxiixa cusub ee kooxda Real Madrid ee Brahim Diaz?.

Brahim Abdelkader Díaz Waa xiddiga cusub ee kooxda Real Madrid kaas oo ku soo biiray kooxda Real Madrid kana ciyaara booska khadka dhexe ah.

Brahim Diaz ayaa dhashay 3 bishii August 1999 waxana uu ku dhashay magaalada Málaga ee ku taala Spain.

Halkee Ayuu Ka Bilaabay Xirfadada Kubada Cagta?

Brahim Diaz ayaa xirfadiisa ka bilaabay magaalada uu ku dhashay ee Magala ka hor inta uuna kaga biirin Man City sanadkii 2015 isaga oo jira 16 sano markaas oo uu ugu biiray 200 kun oo Gini.

21 bishii September 2016 Brahim Diaz ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda 1-aad ee Man City isaga oo daqiiqadii 80-aad badal ku soo galay isaga oo badalay Kelechi Iheanacho kulan Caraboa cup-ka ahaa ee ay Man city la ciyaaraysay kooxda Swansea city.

5 maalmood kadib waxa uu City u saxiixay heshiiskiisii ugu horeeyay ee kooxda 1-aad isaga oo qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah.

27 bishii July 2017 Díaz ayaa badal ku soo galay kulan ay Man city la ciyaaraysay kooxdiisa cusub ee Real Madrid tartanka isku diyaarinta xillli ciyaareedka cusub ee International Champions Cup waxana uu dhaliyay gool kulankaas oo ay Man City 4/1 ku badisay.

21 bishii November 2017 Diaz ayaa saftay kulankiisii ugu horeeyay ee champions League isaga oo wakhtigii dheeriga ahaa badalay Raheem Sterling oo dhaawacmay kulan ay la ciyaarayeen kooxda Feyenoord.

19 bishii December 2017 Diaz ayaa City u ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee buuxa isaga oo 88 daqiiqo ciyaaray kulankii Carabao cup-ka ay City la ciyaaraysay kooxda Leicester City, isaga oo kulankiisii ugu horeeyay ee premier League saftay 20 bishii January 2018 kulan ay City 3/1 uga badisay Newcastle United isaga 13 bishii May ku guulaystay biladiisii ugu horaysay kadib markii uu 4 kulan u ciyaaray xilli ciyaareedkii hore.

5 bishii August 2018 Diaz ayaa ciyaaray 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay Man City isaga oo badalay Phil Foden kulankii ay City 2/0 uga badisay Chelsea kulan ka tirsanaa Community Shield-ka isaga oo wakhti hore oo xilli ciyaareedkan ah dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Man City kulankii ay City 2/0 uga badisay Fulhma.

Xirfadiisa Xulka qaranka:

Díaz ayaa ku dashay Spain laakiin waxa dhalay waalid ka soo jeeda dalka Morocco laakiin uma ciyaari karo xulka Qaranka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo maadama uu u ciyaaray xulka Spain ee da,yarka isaga oo 16 jir ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here