Waa Kuma Benjamin Pavard? Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Saxiixa Cusub Ee Bayern Munich.

0

Kooxda Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda VfB Stuttgart iyo xulka qaranka France ee Benjamin Pavard.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa kooxda Bayern Munich si Rasmi ah ugu biiri doona dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo inta xilli ciyaareedkan ku dhamaysan doona kooxdiisa.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa macluumaadka aad uga baahantahay saxiixa cusub ee kooxda Bayern Munich.

Waa Kuma Benjamin Pavard?.

Benjamin Pavard ayaa dhashay 28 March 1996 isaga oo ku dhashay Maubeuge ee ku taala dalka France, waxan uu haatan daafaca uga ciyaaraa xulka qaranka France iyo kooxda VfB Stuttgart oo uu amaah ugaga maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa inta badan laga ciyaarsiiyaa daafaca dhexe marka uu joogo kooxdiisa laakiin waxa uu sidoo kale ka ciyaari karaa garabka daafaca midig.

Xirfadiisa kubada cagta:

22 jirka ayaa xirfadiisa ciyaareed ee kubada cagta ka bilaabay kooxda Lille OSC ka hor inta uuna sanadkii 2016 ku biirin kooxda VfB Stuttgart halkaas oo uu sanadkiisii ugu horeeyay kooxda ugula guulaystay horyaalka heerka 2-aad ee Dalka Germany ee 2. Bundesliga.

Isaga oo kulankii ugu horeeyay u saftay xulka qarankiisa November 2017 kulana guulaystay xulkiisa koobkii adduunka ee 2018.

Bilowgii Xirfadiisa Ciyaareedk:

Xiddiga ayaa ku dhashay Maubeuge, Nord oo ah meel ku dhaw xuduuda dalka Belguim, Pavard ayaa markii ugu horaysay u ciyaaray koox ka dhisan meesha uu ku dhashay laguna magacaabo Jeumont.

Pavard ayaa ku biiray Akademiyada kooxda Lille isaga oo jira da,da 9 jirka isaga oo kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka Ligue 1 saftay 31 bishii January 2015 kulan ay kooxdiisu la ciyaaraysay kooxda Fc Nantes isaga oo dhamaystay kulanka oo ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah

Xiddiga ayaa wixii intaas ka dambeeyay saftay 21 kulan oo horyaalka Ligue 1 ah muddo 2 xilli ciyaareed oo uu u ciyaaray kooxda Lille ka hor inta uuna kooxda ka tagin 2016.

Xirfadiisa heerka caalami:

6 bishii November 2017, Pavard ayuu tababaraha xulka France ee Didier Deschamps u doortay kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayeen xulalka Wales iyo Germany waxana uu kulankiisii ugu horeeyay u saftay xulka kulankii Wales 10 bishii November markaas oo uu France ku badiyay 2/0 isaga oo qaybtii dambe balay xiddiga Christophe Jallet.

17 bishii May 2018 waxa looga yeedhay 23-kii xiddig ee xulka France u matalayay koobkii adduunka Russia 2018, 16 bishii June Pavard ayaa xulkiisa u ciyaaray koobkii ugu horeeyay ee adduunka kulankii uu France 2/1 uga badiyay xulka Austaralia.

30 bishii June Pavard ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee heerka caalamiga isaga oo gool ganataal ah ka dhaliyay kulankii uu xulka France 4/2 uga badiyay xulka Argentine wareegii 16-ka ee koobkii adduunka.

Xiddiga ayaa goolkaas ugu guulaystay midkii ugu fiicnaa tartankii koobka adduunka, xiddiga ayaa sidoo kale noqday xiddigii ugu horeeyay ee France ah ee dhaliya gool tartanka koobka adduunka tan ilaa markii uu Lilian Thuram dhaliyay gool kulan uu xulka France Semi-finalka koobka la ciyaarayay xulka Croatia sanadkii 1998.

Pavard ayaa ku guulaystay koobka adduunka kadib markii uu ku bilowday dhamaan kulamadii koobka adduunka marka laga reebo kulanii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada ay la ciyaareen Denmark.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here