Virgil Van Dijk Oo Kashifay Xiddig Uu Siiyay Codkiisa Xiddiga Ugu Fiican Premier League

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa kashifay xiddiga uu u codeeyay in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Waxa lagu jiraa kulamadii ugu dambeeyay ee dhamaadka horyaalka premier league waxana ay xiddigaha premier League haatan bilaabeen codaynta abaalmarinaha shaqsiga ah ee lagu guulaysan doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Van Dijk oo waraysi siiyay wargayska The Guardian ayaa yidhi” Waxa aan codkayga siiyay Raheem Sterling”.

“Waxa aan dareemayaa in uu Raheem Sterling u qalmo abaalmarinta xiddiga ugu fiican horyaalka sababta oo ah waxa uu ku jiraa xilli ciyaareed cajiib ah”.

“Waxa aan u codayn karay Salah, Bernaardo Silva iyo waliba xiddigo kale laakiin waxa aan ka hadlay runta”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Van Dijk ayaa hadalkiisa ku soo xidhay”Waxan u malaynayaa in uu Raheem Sterling fiicnaaday xiddig ahaan, waynu eegi doonaa in uu ku guulaysto abaalmarinta”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here