Virgil Van Dijk Oo Kashifay Ilaa Inta Uu Doonayo In Uu Sii Joogo Liverpool

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga uu doonayo in uu sii joogo kooxda Liverpool.

Virgil van Dijk ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu joogo kooxda Liverpool ilaa inta uu ka noqonayo halyeey kooxda Ah.

Daafaca reer Holland ayaa saamayn weyn ku yeeshay daafac Liverpool tan ilaa markii uu noqday daafaca ugu qaalisan suuqii January ee sanadkii hore markaas oo uu ugu soo biiray 75 milyan oo euro.

Haatan Virgil van Dijk ayaa ugu cad-cad in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka premier league waxana uu ku soo laaban doonaa shaxda Liverpool Axada marka ay La ciyaari doonaan Man United.

“Waxa Laga yaabaa in aan joogi doono ilaa inta aan Halyeey ka noqonayo”ayuu u jawaabay markii la waydiiyay waxa uu doonayo in loogu xasuusto Liverpool.

“Sida iska cad arintaas ayaa ah wax maskaxdayda ku jira haatan waxa aan doonayaa in aan waxyaabo waaweyn la gaadho kooxda”.

“Waxa aan haysanaa koox cajiib ah, waxa aan haysanaa qalabkii laakiin waa in aanu qabano”.

“Haatan waxa aan jiraa 27 sano waxana aan rajaynayaa in aan ciyaaro ugu yaraan ilaa 36 jirka’.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here