Virgil Van Dijk Oo Fariin Digniin Ah U Diray Kooxaha Premier League Balan Qaadna U Sameeyay Taageerayaasha Reds

0

Kabtanka Saddexaad ee kooxda Liverpool Virgil Van Dijk ayaa balan qaad u sameeyay taageerayaasha kooxdiisa isaga oo sheegay in ay si deg-deg ah uga soo kabsan doonaan guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Man city isaga oo sheegay in ay Reds soo laaban doonto iyada oo sidii hore ka adag kulamada soo socda.

Liverpool ayaa guuldaradii ugu horaysay la kulantay premier League kadib markii ay guuldaro 2/1 ah kala kulantay Man City kuwaas oo haatan kaliya 4 dhibcood ka dambeeya kooxda Liverpool ee hogaanka haysa.

Van Dijk oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waan ka xumahay guuldarada shakina kama jiro arintaas laakiin wali waxa aan 4 dhibcood ku haynaa hogaanka premier League waana arin muhiim ah”.

“Saxaafada ayaa si weyn u wayneeyay kulankan laakiin anaga ahaan waxa uu ahaa mid ka mid ah kulamada muhiimka ah ee premier League, waxa aan filaynay in uu xilli ciyaareedkeenu adkaado waxana aan soo marnay wakhti fiican, waxana aan mari doonaa wakhti adag”.

Xiddiga ayaa hadalkiisa ku soo xidhay” Dabcan waxa ay ahayd natiijo niyad jab leh laakiin waa in aanu ka gudubno uan soo laabano si xoogan”.

“Waxa aan doonaynaa in aan diirada saano kulamada noo hadhay waliba guul gaadhno si aan uga soo kabsano guuldaradan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here