Vincent Kompany Oo Tilmaamay Dhibcaha Ay U Baahantahay Man City Si Ay Ugu Guulaystaan Premier League

Kabtanka Kooxda Man City ee Vincent Kompany ayaa shaaca ka qaaday inta dhibcood ee ay Man City u baahantahay si ay Liverpool ugu garaacaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan xilli lagu jiro kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Vincent Kompany ayaa qirtay in ay Man City u baahantahay in ay guul gaadho kulan kasta oo u hadhay premier League si ay u difaacdaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kabtanka Man City ayaa ku qanacsan in ayna Man City wax dhibco ah lumin doonin tan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo ay laba dhibcood ka dambeeyaan inkasta oo uu kulan baaqi u yahay.

Vincent Kompany ayaa aaminsan in ay si cad u tahay in ay Kooxdiisu tahay in ay badiyaan kulan kasta hadii ay doonayaan in ay Liverpool ka qaadaan horyaalka premier League.

“Waxa laga yaabaa in aan u baahanahay in aanu badino dhamaan kulamada noo hadhay”, “kaliya waxa aan maamulaynaa waxa aan qaban karno wakhti walba”.

“Waxa aan isku dayi doonaa in aan khibradayda u gudbiyo xiddigaha kale, horyaalkii ugu dambeeyay ma ahan mid aanu dib u eegno”.

“Horyaaladii 2012 iyo 2014 waxa aan ku qasbanayn in aanu badino kulan kasta 5 ilaa 6 kulan oo noo hadhsanaa”.

“Waxa aanu gali doonaa mid la mid ah dagaalkaas”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here