Vigil Van Dijk Oo Doortay Kulankii Ugu Fiicnaa Ee Ay Ciyaareen Bishii December

0

Daafaca Kooxda Liverpool ee Vigil Van Dijk ayaa ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa bishii December waana daafacii ugu horeeyay ee ku guulaysta abaalmarinta 6 sano kadib.

Xiddiga reer olland ayaan ogayn arintaas laakiin kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xiddiga ayaa ku guulaystay abaalmarinta ugu fiican.

Van Dijk oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Maan ogayn in uuna daafac ku guulaysan abaalmarinta mudadada sidaas u dheer”.

“Waxa ku guulaysiga abaalmarintan iga caawiyay saaxiibaday kuwaas oo soo iga caawiyay in aan qaab fiican soo bandhigo”.

“Waxa jirta kulamo cajiib ah oo aan ciyaarnay bishii December waxa aan si weyn ugu raaxaystaa guushii aan k gaadhnay Arsenal si la mid ah taageerayaasheena ayaa ku raaxaysatay”.

Liverpool oo laba guuldaro oo xiriir ah la kulantay bisha January tartamada oo dhan ayaa isku diyaarinaysa in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kulanka maanta ee Brighton.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here