Van Dijk, Gomez, Lovren? Jurgen Klopp Oo Wal-Wal Ku Abuuray Taageerayaasha Liverpool Ka Hor Kulanka Bayern Munich

Kooxda Liverpool ayaa wajahaysa suurtagalnimada in ay kooxda Bayern Munich la ciyaarito iyada oo ay ka maqan yihiin 3 daafac oo dhexe kadib markii uu Jurgen Klopp xaqiijiyay in uuna Dejan Lovren kooxda intooda kale ula safrin tababarka ay ku soo qaadanayaan Marbella.

Daafaca reer Croatia ayaa ugu horayn lagu daray liiska 31-ka xiddig ee u safray jawiga diiran ee Spain laakiin Klopp ayaa maanta xaqiijiyay in uu Xiddigu ku hadhay Liverpool si uu u sii wato daawayntiisa.

Lovren ayaan Reds u ciyaarin tan ilaa 7 bishii January kulankii FA Cup-ka ee ay guuldarada kala kulmeen Wolves.

“Lovren halkan muu iman, Joe Gomez Waa dhaawacan yahay mana joogo halkan”ayuu Klopp yidhi.

“Ma ahan calaamad fiican laakiin waxa aan isku dayi doonaa wax walba oo aan awoodno in aan Dejan ka dhigno diyaar kulanka Munich waxa uu noqon doonaa tartan adag”.

Gomez ayaa la filayaa in uu dhaawac ku maqanaado bil kale kadib qaliin lagu sameeyay halka uu Virgil Van Dijk ganaax ku seegi doono kulanka 1-aad ee Anfield ka dhici doona.

Taas ayaa la macno ah in ay Liverpool haatan haysato kaliya Joel Matip daafac dhexe inkasta oo uu Fabinho ka ciyaari karo daafaca dhexe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here