Van Dijk, Alderweireld, Pogba, Herrera, Eriksen, Dyabala, Umtiti, Hazard & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Man United ayaa samaysay isku day wakhti dambe ah oo ay doonaysay in ay Liverpool kaga afduubato saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Virgil Van Djik markii uu joogay Southampton suuqii January ee 2018 laakiin waxa loo sheegay in uu daafaca reer Holland ku biirayo Liverpool (Mail).

Kooxda Chelsea ayaa diyaarinaysa door uu Goolhaye Petr Cech ka qaban doono tababarka chelsea marka uu ka fadhiisto ciyaaraha kubada cagta dhamaadka xilli ciyaareedkan (Telegraph).

Kooxda Juventus ayaa la socota xaalada daafaca kooxda Tottenham ee Toby Alderweireld kaas oo 25 milyan oo euro lagu bur-burin karo heshiiskiisa (Calciomercato).

Paul Pogba ayaa diiday in uu qaato fiicaha Qaarada Asia oo ay Man United ku qaadanayso isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub si uu ugu riixo in ay Man United ka iibiso kooxda Real Madrid (Sun).

Kooxda PSG ayaa ugu dambayn heshiis la gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Ander Herrera kaas oo si xor ah ugu biiri doona xagaaga (Mail).

Kooxda Man United ayaa 60 Milyan oo euro ku doonaysa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Christian Eriksen si uu Ole Gunnar Solskjaer ugu dhiso kooxda xilli ciyaareedka dambe (Standard).

Kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Man United ayaa doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG ee Adrien Rabiot kadib markii ay Real Madrid ka baxday tartanka (Mirror).

Daafaca reer Ivory Cost ee Eric Bailly ayaa ku rajo weyn in uu sii joogo kooxda Man United inkasta oo uu xiiso ka helayo kooxda Arsenal (MEN).

Kooxda Real Madrid ayaa dhigeeda Chelsea u soo bandhigtay fursad ay hal sano oo kale amaah ugu sii haysan karto xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacic (Star).

Kooxda Arsenal ayaa ka fiirsanaysa in ay heshiis cusub u soo bandhigto xiddiga weerarka uga ciyaara ee Danny Welbeck xilli uu heshiiskiisa haatan todobaadyo kadib dhici doono (Mirror).

Kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay dalab 60 milyan oo euro ah ka gudbiso goolhayaha kooxda Man United ee David De Gea xilli ay rumaysan tahay in uu goolhayuhu doonayo in uu isaga tago Old Trafford (Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa ku kalsoon in ay 200 oo milyan oo euro ku dhamayn doonto saxiixyada xiddigaha Paul Pogba Iyo Eden Hazard (Sun).

Kooxda Lyon ayaa doonaysa saxiixyada xiddigaha daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Victor Lindelof & Eric Bailly (Sun).

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay man United u soo bandhigto xiddigaha Paulo Dybala iyo Douglas Costa si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba (Tuttosport).

Daafaca Samuel Umtiti ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda Barcelona wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan xilli uu kooxdiisa u sheegay in uu iska diidi doono dalab kasta oo u yimaada (L’Equipe).

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga dhibta badan ee weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Diego Costa iyaga oo waliba diyaar u ah in ay Edison Cavani ku badashaan (Cadena Cope).

Kooxda Ac Milan ayaa noqotay kooxdii ugu dambaysay ee xiiso u muujisay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Rafa Camacho (Record).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here