Valverde oo ka hadlay kulankii waalida ahaa ay xalay ku wada ciyaareen kooxda Villarreal, horyaalka La Liga

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka hadlay barbarihii ay xalay galeen, kadib kulan waali ah ay la ciyaareen Villarreal, kaasoo ku soo idlaaday 4-4.

kooxda Barcelona ayaa xalay marti ugu ahayd Villarreal Estadio de la Cerámica, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsanaa kulamada 30-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Kadib ciyaarta macalinka reer Spain ee Ernesto Valverde ayaa la hadlay saxaafada wuxuuna yiri:

“Kulanka wuxuu ahaa mid waali ah, waxaan aragnay daqiiqado yar oo ay ciyaarta u muuqatay inaan ku guuleysan karnay dhib la’aan”.

“Sidoo kale waxaa jirtay wakhtiyo ay bilaawday kooxda Villarreal inay muujiso in dhib la’aan ay guuleysan karaan, waxay dhinaca kale u rogeen ciyaarta, wuxuuna kulanka ku soo idlaaday barbar dhac”.

“Kani waa horyaalka La Liga, kulan kasta waa inaad dagaalantaa ilaa iyo dhamaadka ciyaarta, wax walba waxay ku xiran tahay natiijada, kadib marka aan hogaanka u qabanay ciyaarta waxay ahayd inaan ilaashano farqiga jira”.

Intaas kadib tababare Ernesto Valverde ayaa wuxuu ka hadlay laadka xurta ahaa uu Messi kaga dhaliyay kulankii xalay kooxda Villarreal wuxuuna yiri:

“Waa maalin kale, wuxuu u tuuray si qurux badan waana miduu ku takhasusay”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here