Valverde oo ka digay in kooxda Barcelona xili hore lala xiriiriyo inay ku guuleysan karto koobab

0

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka digay in xili hore la sii shaaciyo in Blaugrana ay ku guuleysaneyso koobab.

Ernesto Valverde ayaa wuxuu dhinaca kale carabka ku adkeeyay sida ay muhiim ugu tahay kooxdiisa inay shaqeeyaan ilaa iyo dhamaadka, sababa la xiriira cabsi uu ka qabo inuu hoos u dhac ku yimaado marxalada ugu muhiimsan ee xilli ciyaareedka.

Hadalka macalinka reer Spain ayaa wuxuu imaanayaa kahor kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan kooxda Deportivo Alaves horyaalka La Liga ee dalka Sapain.

Valverde ayaa kaga jawaab celiyay mar wax laga weydiiyay in kooxda Barcelona ay ku guuleysan karto koobka horyaalka La Liga hadii ay ka adkaadaan kooxda Alaves, isla markaana laga badiyo Atletico Madrid wuxuuna yiri:

“Ma sugeyno taas sababtoo ah tartanka La Liga wuxuu socon doonaa ilaa iyo dhamaadka, laakiin waxaan rajeynayaa inaan horyaalka ku qaadi doono dhibco fiican”.

“Waa farxad weyn marka aad ku guuleysato koob kasta kaddib dhamaadka, si siman ama si lama filaan ah, laakiin marka aad dhibco badan ka sareyso kooxa kale, mar walba guusha ayaa ah wax la filayo”.

“Barcelona waay ixtiraameysaa qof walbana, balse waxay hormar u sameeneysaa si ay ugu guuleysato koobab”.

“Waxaan rajeynayaa inaan ku guuleysan doono horyaalka La Liga sida ugu dhaqsaha badan, sababtoo ah qof kastana wuxuu doonayaa inuu diirada saaro tartamo kale, sidaasi darteed waxaa suurtagal ah in lagu sameeyo isbedel shaxda kooxda ee kulanka Deportivo Alaves”.

“Waxaan heysanaa fursad aan ku guuleysan karno seddex koob, lakiin sidoo kale waxaa suurtagal ah inaanan wax koob ah aanan ku guuleysan, kulamada soo socdaa waa muhiim waana inaan si taxadar leh u ciyaarnaa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here