Valverde : Kama Qoomameynayo In Aan Messi Ciyaarsiin Kulankii Sevilla Waliba Safay Saxiixa Cusub Boateng”.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa hoosta ka xariiqay in uusan qoomamo ka taagneyn in uusan Messi saffin kulankii Sevilla ee lugta koowaad ee wareegga quarter-final -ka Coppe Del rey .

Kooxda Sevilla ayaa Barca ku garaacday laba gool oo nadiif ah waxaana kulankaas uu ka dhacay garoonka Sevilla ee Ramon Sanchez .

Kulan wareedkii ka dambeeyay ciyaartaas ayuu tababare Valverde ka yiri” qeybtii koowaad si wacan ayaan u ciyaarnay waxaana u dhaweyn in aan goolal ka dhalinno balse qeybtii labaad si adag ayay inoo cadaadiyeen”.

” Waxa ay ka faa`ideystyeen qaladaad naga dhacay , waans awoodi weynay in aan abuurno fursado aan ku dhalin karnay goolal” ayuu sii raaciyay tababarahaas .

” Kulankaas badallo ayaan ku sameeyay shaxda kooxda , waxaans moodayay in aan noqon doonno kooxda wacan , haddii aan badin laheyn waan ku saxnaan lahaa go`aankaas balse waan guul dareystay sidaa darteed waan niyad jabsanahay , waana ku rajo weynahay in aan garaacno kulanka labaad”.

Mar uu ka hadlayay saxiixa cusub Barca ee Kevin-Prince Boateng ayuu yiri ” weeraryahankaas cusub waan ku bilaabay shaxda kooxda waans go`aansan saxnssa waayo ma haysan ciyaartooy badan , 23 ciyaaryahan ayaan haysannaa waxaans lagu jiraa Januray waxaana ku jirnaa sedex koob , waxaan aaminsanahahy in ay wacneyd in uu safto muddo saacad ah Suarez-na 30 daqiiqo”.

Ugu dambeyn waxa uu ka hadlay maqnaashaha Messi ee kulankaas” miyaan ka qoomameynayaa in aan Messi ka fogeeyay kulankaas isla markaana safay Boateng?maya , waxa ay aheyd arin aan ku qasbanahay in aan sameeyo”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here