Valverde: “Hadii aad heysato ciyaaryahan sida Lionel Messi oo kale waad ogtahay in guusha ay imaan doonto”

Tababare Ernesto Valverde ayaa sharaxaad ka bixiyay wixii ka dhacay intii uu socday kulankii dhex maray kooxaha Barcelona iyo Espanyol, kaasoo ay guusha ku raacday Blaugrana.

Kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatay kualnkii Derby Catalonia oo ay la ciyaartay Espanyol, kaasoo ka tisanaa kulamada 29-aad  ee horyaalka La Liga dalka Spain, wuxuuna ku soo dhamaaday 2-0 oo ay guushu ku raacday kooxda reer Catalonia, waxaana labada goolba dhaliyay Lionel Messi.

Ernesto Valverde ayaa ciyaarta kadib wuxuu la hadlay saxaafada si uu kaga warbixiyo wixii ka dhacay intii uu socday kulankii Derby Catalonia wuxuuna yiri:

“Ciyaarta waxay ahayd mid aad u adag, sababtoo ah Espanyol waxay ciyaartay qorsho difaacasho cajiib ah, mana aan helin fursad meel bannaan ah”.

“Espanyol waxay dooneysay in ay xaalada nagu adkeyso, balse waxaan u baahneyn kaliya dulqaad, laakiin hadii aad heysato ciyaaryahan sida Lionel Messi oo kale waad ogtahay in guusha ay imaan doonto”.

Intaas kadib Valverde ayaa tibaaxay in kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan Villarreal uu sameyn doono isbadalo ku aadan kooxdiisa, maadaama jadwalka uu yahay mid aad u adag.

Valverde ayaa intaas kadib wax laga weydiiyay su’aal ah in Messi uu qeyb ka noqon doono isbadalka uu doonayo inuu ku sameeyo kooxdiisa Barcelona wuxuuna ku jawaabay.

“Waan arki doonaa hadii Messi uu ka mid noqdo”.

“Barcelona waxay 8 dhibcood ka sareysay Atletico Madrid, halka Real Madrid ay ka sareysay 12 dhibcood sadeex sano kahor, balse ugu dambeyntii waxaan ku qaadnay koobka horyaalka 1 dhibac oo kaliya”.

“Waa inaan ka taxadirnaa, sababtoo ah waxaan inta badan dhibco badan iska luminaa kulamada ugu dambeeya ee xili ciyaareedka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here