UPDATE: Xilliga uu Rabiot Barcelona ku biirrayo oo laga dhawaajiyay, iyo waxyaabaha uu heshiiskaas ku heli doono.

0

Ciyaaryahanka khadka dhexe kaga ciyaarra Paris Sain-Germain ee Adrein Rabiot ayaa marba marka kasii dambeysa ku dhowaanaya ku biirista kooxda Barcelona.

Wararka ka imaanaya dalka France ayaa sheegaya in heshiiska uu ugu biirriyo laacibkan kooxda Barca inta badan la dhammeeyay, balse ay ka harsantahay keliya in si rasmi ah uu heshiis la galo.

French Football News oo xiganeysa téléfoot ayaa waxa ay daabacday in xiddiggan uu ku biirri doono Barcelona balse xagaaga ay noqon doonto inuu wareego.

Rabiot ayaa heshiis hor la geli doono kooxda reer Spain, toddobaadyada soo aaddan, waxaana wararka ay intaas ku darayaan inuu heli doono €10m oo ah gunnada saxiixista heshiiska.

Taasna waxa ay meesha ka saareysaa damaca inta badan kooxihii ciyaaryahankan daneynayay, maadaama uu kusii siqayo Barcelona.

23-jirkan waxa uu Camp Nou u dhaqaaqi doonaa suuqa xagaaga marka uu heshiiska uu kula jiro PSG uu dhammaado, xilligaas ayuuna si ramsi ah kaga mid noqon doonaa kooxda Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here