Unai Emery Oo Tilmaamay Waxa Ay Arsenal U Baahantahay Si Ay Ugu Dhamaysato 4-ta Boos Ee Ugu Sareea Premier League.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka hadlay fursadaha kooxdiisa ee ku dhamaysashada 4-ta boos ee ugu sareeya premier League xilli ciyaareedkan kadib guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man City.

Emery ayaa qirtay in ay Arsenal u baahantahay caawin weyn oo ay ka hesho kooxaha kale ee premier League si ay ugu dhamaysato 4-ta kooxood ee ugu sareeya horyaalka premier League kadib ceebtii ka soo gaadhay Man City.

Kooxda Arsenal ayaa guul daro 3/1 ah kala kulantay kooxda difaacanaysa premier League ee Man City iyaga oo uu Ageuro ka dhaliyay saddexley.

Guuldaradaas ayaa la macno ah in ay Arsenal haatan ku jirto kaalinta 6-aad iyada oo hal dhibic ka dambaysa kooxda Man United kuwaas oo garaacay Leicester City.

Markii wax laga waydiiyay in uu ku kalsoon yahay in ay kooxdiisu ku dhamaysan karto 4-ta boos ee ugu sareeya ayuu Emery yidhi” Haa, Laakiin kadib guuldaradii City ee 3/1 ahayd ma ahan in la yidhaahdo sidaas”.

“Waxa aan ku kalsoonahay shaqadeena iyo qaab ciyaareedkeena, waxa aan u baahanahay in aan helno caawimo weyn oo kooxaha kale ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here