Unai Emery Oo Tilmaamay Marka Ay Fursada Arsenal Ee U Soo Bixitaanka Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe Dhiman Doonto.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa tilmaamay wakhtiga ay rajada kooxda Arsenal ee u soo bixitaanka champions League xilli ciyaareedka dambe dhamaan karto.

Unai Emery ayaa rumaysan in hadii ay Arsenal guuldaro kala kulanto kooxda chelsea kulanka maanta in ayna xilli ciyaareedkan ku dhamaysan doonin 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka.

Gunners ayaa haatan fadhida kaalinta 5-aad ee kala saraynta premier League iyaga oo 6 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 4-aad ku jirta ee chelsea.

Emery ayaana rumaysan in guuldaro ay kala kulmaan kooxda Muarizio Sarri in ay la macno tahay in ay ku adkayn doonto kooxdiisa in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Miyay 9 dhibcood noqon doonaan dhibco badan? Haa waan u malaynayaa”ayuu Emery yidhi.

“Kadib guuldaradii West Ham waxa aan haatan ka dambaynaa 6 dhibcood kooxda chelsea, halkii aan ka dambayn lahayn 3 dhibcood”.

“Sidaas darteed haatan fursadayadu ma ahan sidii hore, hadii aan ka badino waxa aan haysanaa fursad aan ugu dhawaano”.

“Waa Fursad weyn oo ay tahay in aanu qaadano waanan badin karnaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here