Unai Emery Oo Tilmaamay Halka Arin Ee Arsenal Ka Caawin Kara In Ay Garaacaan Man United, Mana Ahan Xiddigaha Arsenal

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa shaaca ka qaaday hal arin oo kooxdiisa ka caawin karta in ay guul ka gaadhaan kooxda Man United kulan ka tirsan premier League maantana ka dhici doona Emirates.

Unai Emery aayaa aaminsan in taageerada taageerayaasha kooxda Arsenal ay samayn doonto farqi kana caawin doonta in ay guul ka gaadhaan Man United.

Tababaraha reer Spain ayaa sugaya in ay xiddigaha kooxdiisu ka fal celiyaan guuldaradii 3/1 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Rennes premier League.

Emery ayaa ku rajo weyn in ay taageerayaasha Arsenal sameeyaan jawi ka caawin kara in ay 3-da dhibcood ka hesho kooxda Arsenal tartanka loogu jiro kaalinta 4-aad.

“Waan ognahay in ay Man United qaab fiican ku jirto”ayuu Emery yidhi.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in aanu ka fal celino guuldaradii Rennes”.

“Ugu Horayn waxa aan garab uga baahanahay taagerayaasheena kuwaas oo abuuri kara jawi weyn si aan Man United guul uga gaadhno”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here