Unai Emery Oo Sheegay Waxa Ay U Baahantahay Kooxdiisu Si Ay U Garaacaan Man United Axada

0

Tababare Unai Emery ayaa ku jira wakhti xasaasi ah oo xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal ah.

Laba kulan oo ay 5 maalmood gudohood kula ciyaari doonaan Man United iyo Rennes ayaa go,aamin doona in uu xilli ciyaareedkiisu noqdo mid fiican ama mid niyad jab ah.

Guuldaro Axada ka soo gaadha Man United kuwaas oo guul kaga gaadhay Emirates kulan FA Cup-ka ahaa 2 bilood ka hor ayaa Gunners ku sababi karta in ay lumiso dagaalka ay ugu jirto kaalinta 4-aad.

Kooxda Unai Emery ayaa la siiyay 3 kaadh oo casaan ah 3-dii todobaad ee ugu dambaysay waxana ay sidoo kale dagaal u galayaan in ay ka soo laabtaan guuldaro 3/1 ah si ay u gudbaan 8 dhamaadka Europa League.

Lucas Torreira ayaa isagu casaan ku seegi doona kulanka Man United kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii Tottenham ee Sabtidii hore.

Laakiin Emery ayaa ku rajao weyn in ay kooxdiisu kabsan doonto la,aanta xiddiga reer Uruguay kaas oo laf dhabar u noqdo koxodiisa.

“Waxa aan kulan walba helaynaa xiddigo taam buuxa ah oo waliba tayo kala duwan leh Axada waxa aan ahaan doonaa sidoo kale”ayuu yidhi.

“Kulankii Rennes xiddig walba waxa uu u shaqeeyay si adag laakiin waxa aan ku kalsoonahay in aan qaadan doono 11 xiddig oo leh tayo cajiib ah waliba soo bandhigi kara qaab fiican kulan Man United waliba garaaci kara”.

“Waxa aan daawaday kulankii Man United iyo PSG Waa koox aad u fiican haatan”.

“Laakiin waa in aan isku duubnaanaa si aan oo aanu samaynaa fursado badan si aan u garaacno markan”.

“Waxa uu noqon doonaa kulan cajiib ah waxa aan haysan doonaa taageerada taageerayaasheena waxa aan u baahanahay qaab ciyaareed weyn oo xiddig walba ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here