Unai Emery Oo Sharaxay Waxa Uu Denis Suarez Ku Soo Kordhin Karo Kooxda Arsenal

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka hadlay waxa uu xiddiga Denis Suarez ku soo kordhin karo kooxdiisa Arsenal.

Unai Emery ayaa sheegay in uu xiddiga Denis Suarez u arko xiddig garabka ka ciyaara inkasta oo uuna ogayn sida uu heshiisku u dhaw yahay in lagu dhawaaqo heshiiska.

Gunners ayaa ugu dambayn horumar deg-deg ah ka samaysay wadahadaladii ay kula jirtay kooxda Barcelona kagana doonaysay heshiis amaah ah kadib markii ay Barcelona Ogolaatay in uu 25 jirkan amaah uga boxo kooxda inta lagu jiro suuqa January.

Tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa si maldahan u xaqiijiyay in uu Denis Suarez u muuqdo mid ku biiraya kooxda Arsenal.

“Guud ahaan waxa aan u baahanahay xiddigo garabka ka ciyaara”ayuu Emery u sheegay saxaafada.

“Hadii aad haysato xiddig sida Denis Suarez, waan garanayaa sababta oo ah waxa aan kala soo shaqeeyay Sevilla.

Isaga oo ka jawaabaya sidii uu ula qabsan lahaa premier League ayuu yidhi”Ma Garanaya haatan, hadii uu yimaado waxa ay noqon doontaa tartan adag wuuna na caawin doonaa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here