Unai Emery Oo Sharaxay Sababtii Uu Badalka Ugu Sameeyay Mesut Ozil Qaybtii Nasashada Kulankii Brighton

0

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa sharaxay go,aankii uu qaybtii Nasashada badalka ugu sameeyay xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil kulankii ay Arsenal bar-baraha la gashay kooxda Brighton.

Emery ayaa sheegay in go,aankii uu badalka ugu sameeyay Mesut Ozil qaybtii Nasashada in ay ahayd go,aan taatiko ah.

Kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay kulankii Burnley ee sabtidii Ozil ayaa ku bilowday shaxda Arsenal kulankii Brighton.

Laakiin Tababaraha ayaa badal ku sameeyay qaybtii Nasashada isaga oo ku badalay xiddiga Alex Iwobi kaas oo ku bilowday qaybtii dambe ee ciyaarta.

Markii wax laga waydiiyay go,aankii uu ku badalay Ozil, Emery ayaa yidhi” Waxa uu ahaa go,aan taatiko ah, waxana uu la mid ahaa kuwii aan samaynay kulamadii hore”.

“Mararka qaar waxa aan badalaa shaxda marka aan doonayo in ay wax is badalaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here