Unai Emery Oo Shaaca Ka Qaaday Tirada Xiddigihii Uu Doonayay Suuqii January.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa qirtay tirada xiddigaha uu doonayay in uu la soo saxiixdo suuqii January ee dhawaan xidhmay.

Unai Emery ayaa shaaca ka qaaday in ay Arsenal doonaysay ugu yaraan 3 saxiix intii lagu jiray suuqii January.

Gunners ayaa kaliya dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Denis Suarez kaas oo ku soo biiray heshiis amaah ah.

Arsenal ayaa sidoo kale doonaysay in ay la soo saxiixato xiddigaha Ivan Perisic, Yannick Carrasco & Christoper Nkunku.

“Kooxdu waxa ay ku shaqaynaysay waxa aan awoodno”ayuu Yidhi Emery.

“Waxa aan ka hadlaynay suurtagalnimada aan ku heli karnay ugu yaraan 3 xiddig laakiin waa hadii ay kaliya ku imanayeen xaaladeena iyo hadii aan u malaynayno in ay na caawin karaan soona bandhigi karaan qaab ciyaareed cajiib ah”.

“Kaliya Denis Suarez ayaa nagu soo biiray waanan ku faraxsanahay, kooxdu waxa ay u shaqaysay si fiican”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here