Unai Emery Oo Shaaca Ka Qaaday Talada Uu Siiyay Lucas Torriera Ka Hor Kulanka Liverpool

0

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa sheegay in uu ku bilaabi doono xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdiisa ee Lucas Torriera kulanka Brighton inkasta oo uu xiddigu khatar ugu jiro in uu seego kulanka Liverpool hadii uu kaadh digniin ah qaato kulanka Brighton.

Xiddiga reer Urugauy ee Arsenal kaga soo biiray Sampdoria ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay isaga oo ku guulaystay xiddigii ugu fiicanaa Arsenal ee bishii November.

Torreier ayaa qaab ciyaareedkiisa ku xaday qalbga taageerayaasha iyo waliba khabiirada falanqeeya kubada cagta isaga oo sidoo kale dhaliyay goolal cajiib ah kulamadii Tottenham iyo Huddersfield.

22 jirkan ayaa khatar ugu jira in uu seego kulanka Liverpool ee Sabtida dambe hadii uu kaadh digniin ah qaato kulanka Brighton ee habeen dambe.

“Ma garan karo in uu Torreira si daganaan ah u ciyaari karo laakiin ma doonayo in uu ka fikiro suurtagalnimada uu ganaax ku seegi karo kulanka Liverpool”ayuu yidhi Emery.

“Ma doonayso in uu ka fikrio arintaas kulanka Brighton”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here