Unai Emery Oo Saadaaliyay Booska At Arsenal Kaga Dhamaysan Karto Premier League Xilli Ciyaareedkan

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa saadaaliyay booska ay Arsenal kaga dhamaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Emery ayaa qirtay in ay Adagtahay in ay Arsenal ku dhamaysato kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Gunners ayaa haatan ku jirta kaalinta 6-aad ee horyaalka iyaga oo 3 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 4-aad ee chelsea ka hor kulanka maanta ay la ciyaari doonaan Huddersfield.

Xilli chelsea ay Axada la ciyaari doonto Man City kooxda Unai Emery ayaa fursad u haysata in ay la dhibco nooqto Chelsea hadii ay chelsea Axada ku fashilanto in ay dhibco ka qaadato City.

Kooxda Arsenal ayaan si joogto ah qaab ciyaareed fiican u soo bandhigin laakiin tababaraha reer Spain ayaa xiddigaha kooxdiisa ku booriyay in ay ku riyoodaan ku dhamaysiga kaalinta 4-aad.

“Waxa jira kooxo naga fiican anaga”ayuu Emery yidhi.

“Miyaanu ka baxsanahay 4-ta boos ee ugu sareeya haatan” haa waxa aan ku jirnaa kaalinta 6-aad waana xaqiiqada jirta”.

“Wali waa in aan rumaysanaa in aan ku dhamaysan karno 4-ta boos ee ugu sareeya xitaa hadii aan ognahay in ay adagtahay”.

“Waxa jira farqi weyn oo u dhexeeya 3-da kooxood ee ugu sareeya ee Liverpool, City iyo Tottenham laakiin waxa aan aad ugu dhawnahay kooxaha chelsea iyo Man United”.

“Farqiga dhibcaha ee 3-da ugu sareeya aad ayuu u badan yahay laakiin labada kale waxa jirta suurtagalnimo aan ku dhaafi karno sababta oo ah waxa aan 3 dhibcood ka dambaynaa Chelsea halka aan hal dhibic ka dambayno United”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here