Unai Emery Oo Mesut Ozil U Sheegay In Uu Isaga Tago Kooxda Suuqa January Si Uu Ugu Dhaqaaqo Halkan Xiddig

0

Waxa ay u muuqataa in xiriirkii u dhexeeyay xiddiga khadka dhexe ee Mesut Ozil iyo tababare Unai Emery uu dhamaaday kadib markii uu xiddigu ka baxay qorshaha tababaraha.

Ozil ayaa laga saaray kulankii ugu dambeeyay ee ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda West Ham kana tirsanaa premier League.

Mesut ayaa bartilmaameed u ah kooxo badan oo ay ugu horayso Man United kuwaas oo doonaya adeega xiddiga 30 jirka ah.

Dhanka kale Arsenal ayaa doonaysa in ay xoojiso kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bishan January iyaga oo doonaya xiddiga Denis Suarez.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in tababaraha Arsenal ee Unai Emery xiddiga u sheegay in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro bishan si uu ugu dhaqaaqo saxiixa Denis Suarez.

Emery ayaa horay u sheegay in ayna Arsenal xiddigo la soo saxiixan karin suuqan oo ay kaliya heshiis amaah ah ku heli karto.

Ozil ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan kooxda isaga oo todobaadkii qaata lacag dhan 350 kun oo Gini todobaadkii waxana ay Gunners doonaysaa in ay iska iibiso si ay lacagtiisa ugu dhaqaaqdo xiddigo cusub.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here