Unai Emery Oo Magacaabay 3 Xiddig Oo Buuxin Kara Booska Uu Ka Dhaawacmay Hictor Bellerin

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa sheegay in uuna dhaawaca Hector Bellerin ku qasbi doonin in uu suuqa u galo badalkiisa.

Xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ayuu dhaawac halis ah ka soo gaadhay kulankii ay Arsenal guusha ka gaadhay kooxda Chelsea taas oo la macno ah in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 9 bilood ah.

Xiddiga Ainsley Maitland-Niles ayaa buuxiyay booska Bellerin intii uu dhaawaca ku maqnaa mudada 4-ta todobaad ah.

Emery ayaana sheegay in uu haysto dookhyo ku filan oo uu ku buuxin karo booska Bellerin halkii uu suuqa u gali lahaa in uu la soo saxiixdo badalkiisa.

“Waxa aan ahysanaa Ainsley Maitland-Niles kaas oo si fiican uga ciyaari kara”ayuu Emery yidhi.

“Waxa uu si fiican uga ciyaari karaa daafaca midig ama garabka midig”.

“Sidoo kale Stephan Lichsteiner ayaa ah xidig kale oo ka ciyaari kara booskaas, waan haysanaa badalkiisa hadii aan u baahanay”ayuu yidhi.

“Ma iloobi doono Carl Jenkinson Kaas oo ciyaaray kulamada qaar kooxdana u ciyaari kara hadii aan u baahano”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here