Unai Emery Oo Khatar Ugu Jira Ganaax Uga Yimaada FA-ga & Taageere Brighton Ah Oo Sabab U Ah

Xiriirka kubada cagta England ee FA-ga ayaa baadhitaan ku furay dhacdo jidh dil ah oo uu tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery kula kacay taageere Brighton ah intii uu socday kulankii shalay ee premier League.

Tababaraha reer Spain ayaa si xun uga cadhooday bar-barihii 1/1 ahayd ee ay kooxdiisu la gadhay Brighton waxana uu laagay dhalooyinka biyaha ee garoonka la keeno isaga oo ku dhuftay taageere Brighton ah.

Emery ayaa raali galin siiyay taageeraha kadib ciyaarta waxana uu dhacdada kala hadlay garsooraha 4-aad isaga oo u sheegay in uuna si kas ah taageeraha ugu dhufan dhalada.

Garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulanka ayaan sidoo kale warbixintiisa ku darin maadama oo uu dareemay in ay tahay in si gaar ah loola dhaqmo tababaraha reer Spain.

Tababare Emery ayaa la kulmi doona ganaax dhaqan xumo ah sida laga soo xigtay wargayska Metro hadii uu garsooruhu qirto dabiga taas oo la macno ah in uu seegi karo kulamo kooxdiisa ah.

Dhacdo midaas la mid ah ayuu Sameeyay tababarihii hore ee kooxda Man United ee Jose Mourinho kulan ay kooxdiisu la ciyaaraysay West Ham waxana lagu ganaaxay hal kulan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here