Unai Emery Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawacyada Daafacyadiisa Laurent Koscielny & Sokratis Papastathopoulos, Mid Ayaa Halis Ah

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka warbixiyay dhaawacyada xiddigaha daafaca uga ciyaara kooxdiisa ee Laurent Koscielny & Sokratis Papastathopoulos kuwaas oo dhaawacyo looga saaray kulankii xalay ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Man United kulan ka tirsanaa Tartanka FA Cup-ka.

Unai Emery ayaa ka cabsi qaba in uu Laurent Koscielny jabay daanka intii socotay kulankii xalay aFA Cup-ka.

Daafaca Reer France ayaa lagu qasbay in uu muddo 8 daqiiqo ah dawayn lagu siiyo garoonka dhexdiisa kadib markii uu Romelu Lukaku Afka kaga istaagay.

Laurent Koscielny ayaa u muuqday mid xanuun xun dareemayay markii uu ka sii baxayay ciyaarta halka uu sidoo kale daafaca Sokratis Papastathopoulos dhaawac soo gaadhay bilowgii ciyaarta.

Labada xiddig ayaa ku biiray Liiska dhaawacyada ee Arsenal xilii xiddigaha Hector Bellerin & Rob Holding muddo dheer ka maqnaan doonaan garoomada.

Ciyaarta kadib Emery ayaa xaqiijiyay in uu baadhitaan X-Ray ah ku mari doono xilli laga cabsi qabo in uu daanku jabay.

Laakiin waxa uu war fiican ka sheegay xaalada Sokratis Papastathopoulos kaas oo bilowgii ciyaarta ku baxay dhaawac kadib loolan uu la galay Jesse Lingard.

Emery ayaa xaqiijiyay in dhaawaca xiddiga ka soo gaadhay kuraanta in uuna ahayn mid weyn ama aad u xun.

“Dabacan, dhaawacyada ayaa badalay suurtagalnimadeena, in aad xiddig badasho, markii ay ciyaartu ahayd 2/1 waxa aan helnay fursado badan oo aan abr-baro galno laakiin maan dhalin”.

“Sokratis waxa uu ka dhaawacmay kuraanta, waxan rajaynayaa in uuna wax weyn ahayn, Koscielny way ka duwan tahay waxa laga yaabaa in ay tahay Jab”.

“Waxan rajaynayaa in ayna sidaas noqon laakiin waxa uu tagi doonaa Dhaktarka, waan sugi doonaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here