Unai Emery Oo Ka Warbixiyay Dhaawacii Halista Ahaa Ee Soo Gaadhay Hector Bellerin

0

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka warbixiyay dhaawaca xiddiga Daafaca uga ciyaara kooxdiisa ee Hector Bellerin kaas oo uu dhaawac soo gaadhay kulankii Ay Gunners guusha ka gaadhay kooxda Chelsea.

Unai Emery ayaa ka cabsi qaba in uu Hector Bellerin soo gaadhay dhaawac halis ah intii lagu guda jiray guushii ay Arsenal garaacday Chelsea.

Bellerin ayaa garoonka looga qaaday sariirta dhaawaca isaga oo u muuuqday in uu dhaawac xun oo halis ah ka soo gaadhay jilibka qaybtii dambe ee ciyaartii ay Arsenal 2/0 uga badisay Arsenal.

Isaga oo saxaafada la hadlaya ciyaarta kadib ayuu yidhi” Waan sugi doonaa, laakiin waxa uu dhaawacu ahaa jilibkiisa”.

“Saadaalinta ayaa ah in uu yahay dhaawac xun, waan rajaynayaa in uuna noqon laakiin aragtideenii hore ayaan ahayn mid fiican”.

Dhaawaca soo gaadhay xiddigan ayaa dhirbaaxo ku ah xiddiga iyo kooxdaba maadama ay u tartamayaan sidii ay uga soo qayb gali lahaayeen champions League xilli ciyaareedka dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here