Unai Emery Oo Ka Hadlay Wararka Kooxdiisa La Xiriirinayaa Denis Suarez

0

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa la xiriirinaya xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Denis Suarez.

Unai Emery ayaa qirtay in uu doonayo in uu la soo saxiixdo daafac dhexe iyo xiddig garabka ah isaga oo diiday in uu ka hadlo in ay Ay Arsenal la soo saxiixanayso Denis Suarez.

Waxa jira warar Sabtidii sheegayay in ay Gunners ku dhawdahay in ay Barcelona kala heshiiso saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Arsenal ayay ku habsadeen dhaawacyo xilli ciyaareedkan waxana uu Emery sheegay in uu xiiso u qabo in uu keeno daafac dhexe inta lagu jiro suuqa January.

Markii wax laga waydiiyay saxiixa Suarez ayuu yidhi” Waxba kama ogi”.

“Waxan u malaynayaa in ay kooxdu ka shaqaynayso suurtagalnimada in ay keento xiddigo nacaawin kara 4-ta bilood ee soo socota”.

“Waxa laga yaabaa in uu suuqa kala iibsigu naga caawin karo daafac dhexe laakiin ma ahan wax fudud sababta oo ah Konstantions Movropanos ayaa soo dhaawaca ka soo laabanaya”.

“Sidoo kale xiddig garabka ah bidix ama Midig hal xiddig ayaa booskaas naga caawin kara”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here