Unai Emery Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Neymar Ee Kooxda PSG, Maxaa Soo Kordhay

0

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery horayna u soo ahaa taababaraha Kooxda PSG ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddigiisii hore ee Neymar ee kooxda PSG.

Emery oo la hadlaya TV Spain ah ayaa yidhi”Waxa aan in badan Neymar kala hadlay mustaqbalkiisa kooxda PSG, waana xiddig leh ixtiraam badan”.

“Laakiin dhanka qalbigiisa waa shaqsi fiican waxana uu leeyahay qalbi fiican umana baahna talo ku saabsan mustaqbalkiisa”.

Tababaraha reer Spain ayaa la sheegayay in uu xiriir xun la lahaa xiddiga reer Brazil markii uu tababaraha u ahaa kooxda PSG isaga oo waliba sababtaas dartdd looga caydhiyay shaqada PSG.

Neymar ayaa si weyn loola xiriirinayaa ka tagista kooxda PSG iyada oo ay doonayaa kooxahah reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid kuwaas oo xiiso u muujiyay xiddiga.

26 jirkan ayaa doonaya in uu ku laabto horyaalka La Liga oo uu magic weyn ku yeeshay wakhtigiisii kooxda Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here