Unai Emery Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Aaron Ramsey, Saxiixyada Suuqa January & Xiisaha Ay Arsenal U Qabto Gary Cahil

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka hadlay mustaqbalka Xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramsey iyo waliba qorshihiisa suuqa January oo maanta si Rasmi ah furmay.

Heshiiska Aaron Ramsey ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay Arsenal kala laabatay heshiiskii cusbaa ee ay u soo bandhigtay.

Markii wax laga waydiiyay suurtagalnimada uu Aaron Ramsey ku sii joogi karo ayuu yidhi”Waan filayaa arintaas, Haa”.

Emery ayaa kadib wax laga waydiiyay in ay kooxdu gali doonto suuqa January ayuu yidhi”Suuqa January ma ahan mid fudud laakiin kooxda way ka shaqaynaysaa waxana ay isha ku haysaa dookhyo kala duwan”.

“Waxa laga yaabaa in aan la soo saxiixano hal ama laba xiddig”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Arsenal ayaa si weyn loola xiriirinayaa in ay la soo saxiixanayso xiddiga daafaca uga ciyaara Chelsea ee Gary Cahil laakiin tababaraha ayaa diiday in uu ka hadlo.

“Kama hadli karo arintaas”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here