Unai Emery Oo Ka Fal Celiyay Rikoodhadii Uu Pierre-Emerick Aubameyang Ka Khasaariyay Arsenal

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka fal celiyay rikoodhadii uu khasaariyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Unai Emery ayaa difaacay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Pierre-Emerick Aubameyang kadib markii uu rikoodho kooxdiisa guul u hor seedi lahaa ka khasaariyay kulankii Tottenham.

Gool dhaliyaha Arsenal ayaa helay fursad uu kooxdiisa ku siin karo 3-da dhibcood kadib markii uu daqiiqadihii ugu dambeeyay helay rikoodhe.

Laakiin Hugo Lloris ayaa si cajiib ah u badbaadiyay Arsenal-na u diiday in ay gaadho guul ka caawisa 3-da dhibcood ee kulanka.

“Waan La Hadlay Pierre-Emerick Aubameyang, waxa uu haystay 35 daqiiqo oo uu nagu caawiyo guulna ku hogaamiyo kooxda”ayuu Emery yidhi.

“Waxa lagu galay khalad waxana uu noo shaqeeyay rikoodhe kadib waad dhalin kartaa ama ma dhalin kartisa ma ahan wax khalad ah”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here