Unai Emery Oo Ka Fal Celiyay Qaab Ciyaareedkii Mesut Ozil Ee Kulankii Burnley

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka fal celiyay qaab ciyaareedkii Mesut Ozil ee kulankii Ay Arsenal guusha ka gaadhay kooxda Burnley kana tirsanaa premier league.

Unai Emery ayaa amaanay qaab ciyaareedkii Mesut Ozil ee kulankii Burnley isaga oo sheegay in uu muujiyay in uu xiddiga reer Germany muujiyay waxa uu Arsenal ku soo kordhin karo.

Ozil ayaa ku bilowday kulanki ugu horeeyay ee premier league 6 todobaad kadib waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulanka bilowgiisa ilaa dhamaadkiisa.

Markii wax laga waydiiyay qaab ciyaareedka Mesut Ozil ayuu Emery yidhi”Waxa uu u ciyaaray si cajiib ah, waxa aan doonaynaa Mesut-kii Maanta oo kale”.

Emery ayaa lagu sii cadaadiyay in qaab ciyaareedkiisii kulankii Burnley uu keeni karo in uu kulamo badan u ciyaaro kooxda waxana uu Emery ku jawaabay” Maanta Waan Badinay, Bari Fasax ayaan nahay, Iniinta waxa aan isku diyaarin doonaa Boxing Day-ga, taas ayaa ah waxa aan ka fikirayno”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here