Unai Emery Oo Ka Fal Celiyay Koodhkii Uu Mesut Ozil Ku Tuuray Shaqaalaha Tababarka Everton

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka fal celiyay koodhkii uu Mesut Ozil ku tuuray shaqaalaha tababarka kooxda Everton intii lagu guda jiray kulankii ay kooxda Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Everton kulan ka tirsanaa horyaalka premier Leageu.

Unai Emery ayaa difaacay Mesut Ozil kadib markii uu koodhkiisa ku tuuray shaqaaalaha tababarka Everton xilli lagu jiray guuldaradii 1/0 ahayd ee Gunners ka soo gaadhay kooxda Everton.

Rajadii Arsenal ee champions League ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib guuldaradii 1/0 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Everton kaas oo laga dhaliyay daqiiqadii 10-aad.

Khilaaf ayaa bilowday daqiiqadii 83-aad kadib markii daafaca Shkodran Mustafi khalad ku galay xiddiga Dominic Calvert-Lewin Taas oo keentay in ay tababare Unai Emery iyo waliba tababaraha Everton muran Afka ah galaan.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa kadib koodhkiisa ka tuuray kaydka Arsenal isaga oo tuuray qaybta shaqaalaha tababarka kooxda Everton.

“Waa in aan yarayno xanaaqeena, waanan baranaynaa arintaas”ayuu Emery yidhi ciyaarta kadib.

“Muu ahayn kulan fiican laakiin waxa aan ku jirnaa qaab fiican waxa aan ku jirnaa kaalinta 4-aad”.

“Waxa aan haatan leenahay kulan weyn marka aan la ciyaari doono Napoli kadib Watford kulanka xiga waxa aan la ciyaari doonaa Watford”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here