Unai Emery Oo Hal Gal Indha-Indhayn Ah U Aaday Spain & Xiddiga Uu Soo Daawaday Oo La Ogaaday

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa hawl gal indha-indhayn ah u aaday dalka Spain sida ay sheegayaan wararku.

Unai Emery ayaa Spain u aaday Hawl Gal indha-indhayn isaga oo soo daawaday qaab ciyaareedka xiddiga kooxda Getafe ee Djene Dakonam sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha Arsenal ayaa joogay garoonka kulankii ay kooxdiisii hore ee Valencia bar-baraha 0/0 ah la gashay kooxda Getafe.

Emery ayaa si gaar ah isha ugu hayay daafaca 27 jirka ah kaas oo diirada u saaran sida laga soo xigtay wargayska AS.

Tababaraha ayaa la dhacay qaab ciyaareedka Xiddiga reer Togo laakiin waa in uu miiska saaro lacagta 30-ka milyan ah ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa si ay ugu xoojiyaan daafaca.

Daafaca ayaa kooxda Getafe kula jira heshiis ilaa 2021 ah kooxda reer Spain ayaanan ku qasbanayn in ay iska iibiso xiddiga.

Djene ayaa ku soo biiray Getafe 2017 isaga oo u ciyaaray 36 kulan xilli ciyaareedkii hore sidoo kale 26 kulan ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here