Unai Emery Oo Doonaya In Uu La Soo Saxiixdo Saddex Xiddig Suuqa January Kadib Ceebtii Liverpool

0

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa bartilmaameedsanaya 3 saxiix oo cusub suuqa January kadib guuldaradii bahdilaada ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Liverpool.

Gunners ayaa u dagaalamaysa u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe inkasta oo ay guuldaro xanuun badan kala kulmeen Liverpool Sabtdii.

Emery ayaa haatanba shaki galiyay awooda Arsenal ee suuqa January laakiin waxa uu sheegay in ay maamulka kooxdu ka shaqaynayaan saxiixyo cusub.

Sida laga soo xigtay Sunday Times Emery iyo Arsenal ayaa suuqa ugu jira daafac dhexe, khad dhexe iyo xiddig garabka ah.

Wargayska ayaa sheegaya in xiddiga garabka uga ciyaara Lille ee Nicolas Pepe uu ka mid yahay xiddigaha ku jira Liiska Arsenal.

Laakiin xiddiga reer Ivory Cost ee ilaa haatan dhaliyay 12-ka gool ayaa si aad ah loo diidayaa in uu January ka tago kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here