Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa maamulka kooxdiisa u tilmaamay xiddig uu doonayo in uu ku xaliyo dhibaatada daafaca ka haysata.
Unai Emery ayaa daafaca kooxda Real Betis ee Aissa Mandi u calaamadsaday xiddiga jawaabta u ah dhibaatada daafaca laakiin waxa ay sugi doonaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay u helaan adeegiisa.
Gunners ayaa dhibaato daafac dhexda uga jirta kadib markii Hector Bellerin saaxiibkii Rob Holding kula biiray dhaawac wakhti dheer ah
Emery ayaa Arbacadii qirtay in ay kooxdiisu baahan tahay daafac dhexe waxana uu u muuqdaa in uu mid qaab ciyaareedkiisa ku fiican ka helay horyaalka La Liga.
Sida laga soo xigtay EIDesmarque, Arsenal ayaa xiiso u qabta xiddiga kooxda reer Algeria ee Mandi oo uu Emery taageero weyn u yahay.
Laakiin Betis ayaa si cad ugu sheegtay in uu kaliya xiddigan ku bixi karo lacag dhan 30 milyan oo euro halka ay Arsenal heshiis amaah ah ku doonayso bishan.
Sidaas darteed Arsenal ayaa xagaaga u dhaqaaqi doonta xiddigan maadama ayna wax xiddig ah la soo saxiixan karin bishan.