Unai Emery Oo Amaan Ugu Qubeeyay Laba Xiddig Oo Arsenal Ah Kadib Qaab Ciyaareedkoodii Kulankii Man City

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa amaan ugu qubeeyay 2 ka mid ah xiddigaha kooxdiisa kulankii ay guuldarada 3/1 ah kala kulmeen.

Emery ayaa sheegay in ay kooxdiisu wakhti dheer u jirto in ay la tartanto kooxda Man City laakiin si gaar ah u amaanay laba xiddigaha kooxdiisa ka mid ah.

“Ma Odhan karo wax badan, waxa ay muujiyeen awoodooda dhamaadkii ciyaarta”ayuu yidhi.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay qaab ciyaareedkii Matteo Guendouzi & Lucas Torreira laakiin waxa ay wali u baahan yihiin in ay horumar sameeyaan waliba helaan kalsooni”.

“Natiijadu ma ahan mid aan wax fiican ka odhan karo laakiin qaab ciyaareedka labadaas xiddig ayaa ah wax fiican oo aan kala baxnay kulanka”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in guuldarada soo gaadhay Arsenal ay la macno tahay in ay kaalinta 6-aad dib ugu dhaadhaceen kala saraynta horyaalka premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here