Una Emery: Waxa Aan Ku Bilaabanay Si Fiican Ciyaarta Laakiin Xiddigahan Ayaan Awood U Waynay In Aan Joojino Iyaga Ayaana Farqiga Sameeyay

0

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka hadlay guuldaradii foosha xumayd ee ay kooxdiisa Arsenal kala kulantay Liverpool kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka Premier League.

Emery oo la hadlay BBC-da kadib ciyaarta ayaa yidhi” Waxan u malaynayaa in aan si fiican ku bilaabanay ciyaarta waliba dhalinay goolka hore laakiin weeraryahanada Liverpool ayaa ku guulaystay in ay farqi sameeyaan, waxana aan awood u waynay in aan joojino”.

“Qaybtii hore waxa aan isku daynay in aan goolal ka dhalino laakiin goolkii 2-aad ee rikoodhaha ahaa ee ay heleen ayaa ciyaarta gabi ahaan soo afjaray.

“Waa Natiijo xun waa in aanu ka faa,iidaysano guuldaradan iskana saxno khaladkii aan samaynay mustaqbalka qaab fiicana ku soo muuqano”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Liverpool waxa ay samaysay horumar weyn xilli ciyaareedkan xaalkooduna waxa uu noo yahay tusaale ay tahay in aanu ku dayano mustaqbalka”.

Emery oo ka hadlaya Sababtii uu Ozil ku seegay kulanka ayuu yidhi” Mesut Ozil waxa uu kulanka ku seegay dhaawac jilbka ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here