“Umaanu Qalmin Kooxda Man United”:-Solskjaer Oo Taageerayaasha Man United Ka Raali Galiyay Ceebtii Everton

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa raali galin weyn taageerayaasha Kooxdiisa ka siiyay guuldaradii ceebta lahayd ee Red Devils ka soo gaadhay Everton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 35-aad.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in ayna u qalmin in ay ku ciyaaraan magaca kooxda Man United kadib guuldaradii 4/0 ahayd ee Man United ka soo gaadhay kooxda Everton premier League.

Goolal ka yimid Richarlison, Gylfi Sigurdsson, Lucas Digne & Theo Walcott ayaa Sabab u noqday in ay Man United kooxda Everton kala kulanto guuldaradeedii ugu weynayd taariikhda premier League.

Kadib markii ay dhamaatay ciyaartu ayuu tababare Solskjaer hor tagay taageerayaashii u soo safray garoonka Goodison Park sii uu uga raali galiyo qaab ciyaareedka liita ee kooxda.

Solskjaer ayaa sky sport u sheegay” Everton ayaa wax walba nooga fiicnayd, waxa jiray waxyaabo badan oo ay ahayd in aan si fiican u qabano, laakiin si fiican umaanu ciyaarin”.

“Sidaas ayaa ah waxa kaliya ee aan odhan karo, Uma qalano kooxda Man United, waxa aan dhamaanteen isku gaynay gacmaha si aan u raali galino taageerayaasha”.

“Waxa nalooga fiicnaa dhamaan garoonka, waxa aad u baahantahay in ay kooxdaadu isku muujiso garoonka laakiin maanta maanu arkin sidaas, waxa aanu ahayn qaar xun dhanka daafaca, waxa aanu ahayn qaar xun dhanka weerarka”.

“Ma jirto meel la isku qariyo, maanu fiicnayn maanta, waa in aanu horumar samayno hadii aanu doonayno in aanu gaadhno meesha aanu doonayno”.

“Kooxda waxa ay soo martay xaaladan oo kale laakiin aan in aanu dib u toosino nafteena”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here