UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Ee Da,yarka Tartanka Champions League

Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee xiddigaha da,yarka ah ee tartanka Champions League sanadka 2018.

Shaxda ayay ku soo bexeen xiddigo da,yar ah oo cajiib ah oo ay ka mid yihiin xiddiga kooxda Barcelona ee Arthur iyo xiddigaha kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt & Frenkie de Jong.

Xiriirka aya weeraryahanka kooxda PSV ee Hirving Lozano u doortay weerarka shaxda da,yarka ah ee ugu fiican inkasta oo uu kooxdiisa ka caawin waaay in ay u soo baxaan wareega xiga.

Sidoo kale shaxda ayay ka soo muuqdeen xiddigo badan oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan si weyna uga dhex muuqda kooxohooda kala duwan.

Halkan Hoose Kaga Bogo Shaxda:

Goolhayaha: Odisseas Vlachodimos (Benfica)

Daafaca: Milan Škriniar (Inter Milan), Matthijs de Ligt (Ajax), Andy Robertson (Liverpool)

Khadka Dhexe: Frenkie de Jong (Ajax), Houssem Aouar (Lyon), Arthur (Barcelona), Nikola Vlašić (CSKA)

Weerarka: Cengiz Ünder (Roma), Hirving Lozano (PSV), Jadon Sancho (Dortmund)

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here