Tottenham Oo Sedex Gool Ugu Awood Sheegatay Borussia Dortmund , Dhamaadkii Ayay Deg Deg Uga Taqaluseen

Labada koox e Tottenham iyo Dortmund ayaa nasiianda ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli labada koox ay isku heleen qeybtaas hore fursado balse ma jirrin koox sidii la rabay uga faa`ideysatay .

Kubadda ayaa aheyd mid u furneyd labada koox oo weerar iyo weerar celis ah ayay ciyaarayeen , waxaana jiray kubado goolal xaqiiq ahaa oo ay labada goolhaye kala bad baadiyeen .

Qeybta labaad , durba Tottenham gool ayay heleen waxaana daqiiqaddii 47-aad u saxiixay Heung-Min Son, ka dib ciyaarta waxa ay noqotay mid deg degsiimo leh oo laga filan karay goolal dheeraad ah.

Inkastoo Dortmund goolkaas looga naxsaday hadana isku dayo kala duwan ayay sameynayeen balse fursadaha ay helayeen waa la soo celinayay .

Ka dib dhacdiyinkaas iyo qeybii dhexe ciyaarta Tottenham ayaa hanaan ciyaar waceyd oo kubaddana iyaga ayaa cagta ku hayay balse waxa ay wajahayeen daafac u diidanaa gool labaad , waxaana xusid mudan in Tottenham kulankaan uu ka maqnaa Harry Kane kaasi oo la filayo in lugta labaad uu diyaar ahaado .

Tottenham oo ciyaareysay kubad isu dheeli tiran dhanka abuurista weerarka iyo hanaanka difaaca ayaa Dortmund dhamaadkii daalisay waxa ayna ku heleen gool labaad daqiiqaddii 83-aad waxaana saxiixay Jan Vertonghen

Ka dib goolkaas , Dortmund waa ku adkeyd in ay horay u soo baxaan waxaana loo raaciyay gool sedexdaad oo deg deg ah waxaana daqiiqaddiin 86-aad kla dhaliyay Fernando Llorente , xilli ciyaarta ay ku dhaamatay sedex gool oo nadiif ah

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here