Tottenham Oo Real Madrid Ku Adkayn Doonta Helitaanka Christian Eriksen & Barcelona Oo Sabab U Ah

Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay Real Madrid ku adkayn doonto helitaanka xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen Marka la gaadho suuqa xagaaga.

Real Madrid ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga khadka dhexe ee reer Denmarka marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real Madrid ku adkaan doonto in ay si dhib yar ku hesho saxiixa Christian Eriksen marka la gaadho xagaaga.

Barcelona ayaa 90 milyan oo euro kula soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong kaas oo Barcelona ku soo biiri doona xagaaga.

Wargayska ayaa sheegaya in kooxda Tottenham kor u qaadi doonto qiimaha xiddiga Christian Eriksen qiimaha Barcelona ka soo bixisay Frenkie de Jong-na u isticmaali doonta in ay lacag badan kaga ridato Real Madrid.

Heshiiska Christian Eriksen ayaa dhici doona xagaaga 2020 waxana uu haystaa heshiis dookh ah oo hal sano ah sidaas darteed Tottenham ayaa dalban doonta lacag dhan 110 milyan oo euro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here