Tottenham Oo Markii Labaad Taariikhda Iska Xaadirisay Wareegga 4-ta Champion-ka , Man City Ayay Kaga Gudbeen

Man City iyo Tottenham ayaa ciyaarta ku bilaabay qaab deg deg ah waxa ayna City durba heshay gool yimid daqiiqaddii 4-aad ka dib baas uu bixiyay De Bruyne waxaa shabaqa dhigay Raheem Sterling.

Totetnham oo dhankeeda baxsad aheyd waxa ay ka faa`ideysteen dal dalool daafac waxa ayna durba keeneen goolka bar bar dhaca waxaana saxiixay Heung-Min Son waxa ayna ciyaarta ahdeyd mid goolal dheeraad laga filan karay .

Xilka City u muuqatay in kubadda ay ku badneyd ayaa hadana waxaa lagu helay gool labaad isla Heung-Min Son ayaa dhaliyay daqiiqaddii 10-aad balse City durba waa ka jawaabtay waxaana u saxiixay Bernardo Silva daqiiqadii 11-aad .

Ciyaar deg degsiimo leh ayay aheyd waxa ayna City qaadayeen weeraro deg deg ah iyaga ayaana kubdda ku badnaa mar waliba halka Tottenham iyana ku tiirsanaayaen kubadaha rogaal celiska deg dega ah .

City gool sedexaad ayay keeneen waxaana saxiixay Raheem Sterling waxa ayna aheyd daqiiqaddii 21-aad , waxa ayna kubadda City ka socotay garbaha .
Waa kulankii ugu horeeyay ee Champion-ka oo 5 gool la isaga dhaliyo 21-ka daqiiqo ee ugu horeeya ee ciyaarta , waa ayna heerka kubad haysashada City ee qeybtaas hore gaartay %62 .

Tottenham waxa daqiiqaddii 41-aad dhaawac looga saaray Sissoko iyadoo lagu badalay Fernando Llorente waxaana nasiinada lagu aaday 3/2 oo u dhigantay 3/3 maadaama City horay gool looga soo dhaliyay garoonka Tottenham

Qeybta labaad , City dar dartii ayay wadeen waxaana ka go`naa gool waxaana laba jeer kubado cajiib ah biloowgii ka bad baadiyay goolhaye Lloris waxaana arintaas sameeyay Raheem iyo De Bruyne .

City inkastoo kubadda maamulaayeen hadana meel ay marsiiyaan ayay weysanyeen balse guud ahaan waa laga karay xilli Tottenham mararka qaar ay City ku sigayeen kubadaa rogaal celiska waxaase foojignaa daafacooda Kompany iyo goolhayaha .

City oo dagaal ugu jirtay gool 4-aad ayaa waxaa kubad si cajiiba h ula maray dafaaca Tottenham kubad sameete De Bruyne kaasi oo u sii baasya Agueor oo laad kud haliyay goolka afarad daqiqiadii 59-aad

City waxa ay daqiiqaddii 62-aad sameeyeen badalkoodii ugu horeeyay waxa ayna soo giliyeen Fernandinho oo loo badalay David Silva waxa ayna Tottenham daqiiqadihii 71-aad iyo 72-aad ku sigteen gool balse goolhayaha ayaa u diiday oo bad baadiyay .

Tottenham weeradii ay qaadayeen oo ay ku heleen koorno waxa ay ku dhaliyeen gool daqiiqaddii 73-aad waxaan dhaliyay Fernando Llorente balse dood dheer ka dib waa la ansxiyay ka dib markii VAR la maciin biday maadaama laacibkaas uu kubadda ku taabtay gacanta .

Ka dib goolkaas Tottenham kubadda waa ay la qeybsayeen Man City xilli kooxa hantiilayaasha u dhawaanatyeen goosha Tottenham balse sidii la rabay ugama aysan faa`ideysnayeen sidii la rabay

City waqtighii dheeriga , gool ayay dhaliyeen oo Rahem ayaa dhaliyay balse dood ka dib VAR ayaa go`aamisay waan la diiday waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 4/3 balse Tottenham ayaa ku soo baxday oo gool hore laheyd waxa ayan guud ahaan labada kulan isku noqdeen 4/4

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here