Tottenham Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Ogolaatay In Ay Real Madrid Ka Iibiso Christian Eriksen

Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaadeen in ay kooxda Real Madrid ka iibiyaan xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska el espanol ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Tottenham ogolaatay in ay xiddiga reer Denmark ka iibiso Real Madrid xagaaga.

Sida laga soo xigtay Wargayska Kooxda Tottenham ayaa og in heshiiska xiddigu dhici doono xagaaga 2020 taas oo ku riixaysa in ay wadahadalo la furto Real Madrid.

Real Madrid ayaa qorshaynaysa is badal weyn xagaaga iyada oo xiddigo badan kala soo saxiixan doonta suuqa kadib xilli ciyaareed fashil ah oo ay qaadatay.

Xiddiga Christian Eriksen ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Waxa xusid mudan in ay kooxda Real Madrid xiddiga Christian Eriksen u aragto badalka dhabta ah ee xiddiga Luca Modric oo haatan 33 jir gaadhay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here